Public services in Somalia are highly limited due to the weakness of government institutions struggling to recover from destruction caused by conflict. However, even those government services that do exist fail to serve people effectively. Access to public services is a fundamental right for Somali citizens. Join Aweis Ahmed, the director of the SPA Policy Lab, and his guests, who will intensely discuss the public service matters in Somalia in the Adeeg Wanaag podcast.
📻 Siste episoder av Adeeg Wanaag
Her er de nyeste episodene tilgjengelige via RSS-feeden:
Muxuu ka Shaqeyn Doonaa Guddiga Tacliinta Sare ee Dalka? (01:06:09)
Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan ansixiyey Guddiga Tacliinta Sare ee dalka, kaas oo ka shaqeyn doona hagidda iyo horumarinta hey’adaha tacliinta sare ee dalka. Qeybtan 40-aad ee Adeeg Wanaag Podcast, Aweis Ahmed iyo Prof. Cabdinur Sh. Maxamed oo ah guddoomiyaha guddiga, hore na u soo noqday Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha & Tacliinta Sare eee dalka, waxa ay ku falanqeynayaan guud ahaan howlaha tacliinta sare ee dalka, gaar ahaan howlaha horut...
Culeysyada Ka Jira Qaadashada Kaarka Aqoonsiga & Sida Hay’adda NIRA u Maareyso (01:00:56)
Hay'adda Diiwaangelinta iyo Aqoonsiga Dadweynaha Soomaaliyeed (NIRA) ayaa waxa ay ku howlaneyd in muddo ah bixinta karaarka aqoonsiga dadweynaha. Balse dhowrkii bil ee ugu dambeeyay waxaa jirtay in dadweynuhu aad ugu xoomeen qaadashada kaarka, halkaasoo culeysyo kala duwan ay la kulmeen dadweynaha kaarka dalbanayay iyo howlwadeennada Hay’adda. Qeybtan 39-aad ee Adeeg Wanaag, Aweis Ahmed iyo Maxamed Cabdullaahi Juuni, oo ah agaasimaha Waaxda Howlgelinta ee hay’adda NIRA, waxa ay ku falan...
Xaaladda Caruurta aan Dugsiyada Aadin ee Muqdisho & Sida Lagu Xallin Karo (00:28:37)
Adeegga waxbarashada ee dalka, gaar ahaan, midka ka jira magaalada Muqdisho ayaa soo kabanaya. Sidaa oo ay tahay, waxaa la sheegaa tiro aad u badan oo caruurta magaalada ku nool in aysan aadin dugsiyada waxbarashada nidaamiga ah. Dhawaan waxaa la dabaacay daraasad ka hadleysa sababaha dhaliyay arrinkaas iyo sida lagu xallin karo. Qeybtan 38-aad ee Adeeg Wanaag podcast, Aweis Ahmed iyo Dr. Abdifatah Ismael Tahir oo hormuud u ahaa cilmibaarayaashii ka shaqeeyay daraasa...
Adeegyada Xalka Waara iyo Horumarinta Reer Miyiga (00:43:12)
Colaadaha iyo musiibooyinka dabiiciga ah ee dalka ka jira waxa ay sababeen barakac baahsan, kaas oo saameyn weyn ku yeeshay bulshooyinka reer miyiga ah. Ku dhowaad afar milyan oo qof ayaa barakac ku ah gudaha dalka. Hay’adaha dowaliga ah, sida Xarunta Qaran ee Horumarinta Reer Miyiga iyo Xalka Waara iyo kuwa aan dowliga aheyn ayaa ku howlan xal-u-hellida dadka barakacayaasha ah. Qeybtan 37-aad ee Adeeg Wanaag Podacast, Dr. Aweis Ahmed iyo Zahra Abdi Mohamed, oo ah Agaasimaha Guud...
Duruufaha Dhaqaale ee Dalk Ka Jira & Sida loo Maareyn karo (00:47:15)
Duruufaha dhaqaale ee muwaaddiniinta Soomaaliyeed guudahaan ay wajahayaan, gaar ahaan kuwa ku nool gobolka Benaadir ayaa sii xoogeysanaya. Duruufahaas oo nuucyo kala duwan leh, sababo kala duwanna lala xiriirin karo, waxa ay saameyn ku yeesheen bulshada qeybaheeda hoose. Qeybtan 36-aad ee Adeeg Wanaag Podacast, agaasimaha SPA Policy Lab, Dr. Aweis Ahmed iyo Prof. Yaxye Caamir, waxa ay ku falanqeynayaan duruufahaas dhaqaale, waxa sababaya iyo sida lagu maareyn karo. Contact Somali Publi...
Warbaahinta Madaxa Bannaan iyo Adeegyada ay Bulshada u Qabtaan (01:01:44)
Tan iyo markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya, dalka waxaa ka hanaqaaday warbaahin madax-bannaan oo noocyo kala duwan leh, taas oo marxalado kala duwan soo martay, isla markaana duruufo adag ku soo shaqeysay. Warbaahinta madaxa-bannaan ayaa waxa ay adeegyo kala duwan u qabataa muwaaddiniinta Soomaaliyeed. Qeybtan 35-aad ee Adeeg Wanaag podacast, agaasimaha SPA Policy Lab, Aweis Ahmed, iyo Faarax Nuur oo ah Xoghayaha Guud ee Ururka Isutagga Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee FESOJ...
Barakacayaasha iyo Kaalintooda ku Aaddan in Xal Waara Loo Helo Barakaca (00:33:30)
Colaadaha iyo musiibooyinka dabiiciga ah ee dalka ka jira waxa ay sababeen barakac baahsan. Qiyaastii afar milyan oo qof ayaa ku barakacay gudaha dalka. Dowladda federaalka, dowlad-goboleedyada iyo hay’adaha aan dowliga aheyn ayaa ku howlan xal-u-hellida dadka barakacayaasha ah. Somali Public Agenda ayaa dhawaan daabacday daraasad ku saabsan “Sida Xal Waara Loogu Heli Karo Dib-u-dejinta Dadka Barakacayaasha ah” ayadoo la adeegsanayo hababka ay bulshada isku abaabulaan, isugu tashtaan, ...
Sababaha Shaqo La’aanta Dhallinyarada iyo Sida Loo Maareyn Karo (00:47:51)
Soomaaliya waxa ay ka mid tahay dalalka dadweynahooduay dhallinyaro u badan yihiin. Waxaa la sheegaadadweynaha Soomaaliya in ka badan 70 boqolkiiba in ay dhallinyaro yihiin. Dhallinyaradaas waxaa saameyn weynku yeesha shaqo la’aanta baahsan ee dalka ka jirta. Qeybtan 33-aad ee Adeeg Wanaag Podcast, AgaasimahaSPA Policy Lab, Dr. Aweis Ahmed, iyo Marwo Bahjo Shuuriye oo ah Agaasimaha SIMAD iLab, waxa ay kufalanqeynayaan guud ahaan shaqo la’aanta ka jirta dalka, gaar ahaan saameynta ay dha...
Adeegyada Caafimaad ee Isbitaalka Erdogan (Ex-Digfer) (00:45:17)
Isbitaalka Erdogan (Ex-Digfer) waxaa la aaminsan yahay inuu yahay mid kamid ah isbitaallada ugu casrisan dalka, islamarkaana bixiya adeegyada ugu badan ee caafimaad ee Soomaaliya. Qeybtan 32-aad ee Adeeg Wanaag podcast, Aweis Ahmed, agaasimaha SPA Policy Lab, iyo Maxamed Xuseen Ashraf, oo ah agaasimaha isbitaalka Erdogan, ayaa ku falanqeynaya adeegyada caafimaad ee uu bixiyo Isbitaalka Difger. #SPAPodcasts #AdeegWanaagPodcast #AdeegWanaag #SomaliPublicAgenda Contact Somali ...
Waxqabadka Dowladda Hoose ee Degmadda Cadaado & Caqabadaha ku Gedaaman (00:40:58)
Degmada Cadaado ee dowlad-goboleedka Galmudug waxa ay ka mid tahay degmooyinkii ugu horreeyay ee gole deegaan yeesha. Golaha deegaanka iyo maamulka degmadaas oo muddo-xiloodkii loo doortay kala-bar qaatay, maxaa u qabsoomay, caqabadaha heystase maxay yihiin? Qeybtan 31-aad ee Adeeg Wanaag Podcast, Aweis Axmed & Faarax Diiriye Warsame, oo ah guddoomiyaha degmada Cadaado, ayaa ku falanqeynaya howlaha maamul, adeeg bixin iyo isla-xisaabtan ee degmada Cadaado. Contact Somali Publi...
Soo ifbaxa kumbiyuutarrada, internet-ka, iyo aaladaha kale ee fududeeya xiriirka bulshada waxa ay sare u qaadeen adeegyada kala duwan oo ay bixiyaan dowladaha. Waxaa loogu magac daray electronic government oo loo soo gaabiyo E-government, oo macanaheedu yahay in adeegyada dowladda la bixiyo iyadoo la adeegsanyo hannaan electronic ah. Qeybtan 28-aad ee Adeeg Wanaag Podcast, Aweys Axmed & Dr. Yaxye Abukar Axmed oo ah Agaasimaha Xarunta Cilmibaarista iyo Horumarinta ee Jaamicadda SIMAD...
Soomaaliya waxa ay ka mid tahay dalalka muddada dheer la daalaa dhacayay dhibaatooyinka bani’aadamnimo. Beesha calaamka ayaa si joogta ah ugu deeqda dadka Soomaaliyeed ee dhibaateysan gargaar bani’aadamnimo. Waxaase aad u yar isla-xisaabtanka guud ee lagu sameeyo hay’adaha kala duwan ee ka shaqeeya howlaha gargaarka bani’aadamnimo. Somali Public Agenda ayaa dhawaan daabacday daraasad ku saabsan kaalinta ururrada bulshada rayidka ah & warbaahinta ay ku leeyihiin Isla-xisabtaabtanka arrimah...
Wacyiga Bulshada ee Dawooyinka La Isku Cadeeyo & Khatartooda (00:49:00)
Sanadahii dambe waxaa kordhay bulshada qeybo ka mid ah oo is caddeynaya ama midabkooda doorinaya, iyagoo ujeedkoodu yahay in ay qurux dheeraad ah ka helaan. Dadka is caddeeya waxa ay adeegsadaan dawooyin la isku dardaray oo kiimiko ah. Arrintan ayaa noqotay mid bulshada qeybaheeda kala duwan saameyn weyn ku yeelatay. Qeybtan 23-aad ee Adeeg Wanaag Podcast waxaa lagu falanqeynayaa guud ahaan waxyaabaha sababa doorinta midabka qofka iyo dawooyinka ay adeegsadaan dadka is caddeeya. Waxan s...
Dagaallada sokeeye waxa ay sababeen burbur iyo dayac ku yimid guud ahaan biyo-mareennada, bullaacadaha iyo goobaha biyaha lagu keydiyo ee magaalada Muqdisho. Waxaa ka dhashay in biyaha roobabku ay fadhiistaan wadooyinka, qaarkoodna ay burbur joogta ah u geystaan. Xaaladdan waxa ay dhalisay in bulshada caasimadda ay soo gaarto khasaare naf iyo maal isugu jira, bilicda magaaladana saameyn taban ayay ku yeelatay. Qeybtan 22-aad ee Adeeg Wanaag Podcast waxaa lagu falanqeynayaa sababaha ugu ...
Adeegga Madadaallada & Saameynta Dhaqan-dhaqaale ee Bulshada (00:59:12)
Adeegga madadaallada, gaar ahaan musalsallada, waxaa caan ka ahaa gudaha dalka musalsallada qalaad sida kuwa Meksikaanka, Carabta, Hindida, Turkida, Kuuriyaanka iyo qaar kale. Sanadihii dambe waxaa soo badanayay musalsallo ay sameynayaan shirkado maxalli ah, musalsalladaas oo qeyb weyn ka qaatay adeegga madadaallada ee ka jira dalka, islamarkaana ka tarjumaya nolosha dadka Soomaaliyeed. Qeybtan 21-aad ee Adeeg Wanaag Podcast waxaa lagu falanqeynayaa guud ahaan adeegga madadaallada ee ka...
Tayeynta Waxbarashada & Kaalinta Dugsiyada Gaarka Loo Leeyahay (00:43:04)
Tan iyo burburkii dalka, waxbarashada aasaasiga ah inteeda badan waxaa gacanta ku hayay hay’ado samafal ah iyo kuwo gaar loo leeyahay, halka kaalinta dowladdu aysan ka marneyn balse ay aad u koobneyd. Tayada waxbarashada weli weydiimo ayaa laga keenay, iyadoo dadka qaar caruurtooda ay dalaka deriska ah u diraan si ay adeeg waxbarasho tayo leh u helaan. Qeybtan 20-aad ee Adeeg Wanaag Podcast waxa ay Aweys Axmed & Mahad Faarax Shaaciye oo ka tirsan bahda waxbrashada asaasiga ah, islam...
Wacyiga Bulshada ee Xanuunnada Nafsiga ah & Daweyntooda (00:44:55)
Dagaallada sokeeye waxay sababeen burbur xooggan oo ku yimid guud ahaan adeegyada caafimad ee dalka, gaar ahaan adeegyada caafimaad ee la xiriira xanuunnada dhimirka ku dhaca. Daraasaddii ugu dambeysay ee degmooyin kamid ah dalka laga sameeyay waxa ay sheegtay in 77% dadka Soomaaliyeed ay la daaladhacayaan xanuunnada nafsiga ah, kuwaasoo ay sababeen duruufaha khalafsan ee ay sababeen colaadaha iyo musiibooyinka dabiiciga ah. Qeybtan 19-aad ee Adeeg Wanaag Podcast waxa ay Aweys Axmed &...